Afhayeenka Shirka Khaatumo Aadan shuuriye oo sheegay In ay wada hadli doonaan maamulka Khaatumo State iyo Somaliland
Sida uu noo sheegay afhayeenka 314 ergey oo ka mid ahaa ergada shirka ayaa u codeeyey in magaca maamulkan cusub ee noqdo “MAAMUL GOBOLEEDKA KLHAATUMO EE SOOMAALIYA”.
Waxaa jirtay in qaar ka mid ah ergada intii shirku uu socday ay soo jeediyeen in la qaato magaca “SSC” oo ah ereyo laga soo gaabiyey SOOL, SANAAG & CEYN hase yeeshee waa laga codbatay sida uu sheegayo afhayeenka shirka Aadan Cabdulaahi Shuuriye.
Qeybaha Maamulka
Waxay ergadi ka doodeen sida loo dhisayo maamulka iyo qeybaha uu ka koobnaan doono, waxaana ugu dambeyn qalinka lagu duugay qeybahan inuu noqdo:-
1- Golaha sare ee dhaqanka
2- Golaha wakiilada (baarlamaan)
3- Golaha madaxtooyada (maamulka sare) oo ka koobnaan doona saddex gudoomiye oo wareegto ah.
4- Golaha garsoorka (maxkamadaha) oo ka madax bannaan maamulka.
5- Golaha wasiirada (oo ka kooban 6 wasiir)
ta Laascaanood iyo deegaanada kale
Afhayeenka oo aan weydiinay waxa laga yeelayo magaalooyinka maamulkan uu ka talinayo oo aan weli gacanta ku jirin ayna ka taliyaan ciidamada Somaliland ayaa wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in hab labo maamul ah ay u wada hadlaan iyaga iyo Somaliland.
“Arinta Laascaanood waa arin taagan waana jirtaa in laga hadlay in Somaliland laga saaro” ayuu yiri afhayeenka.
Shirka Khaatumo 2 oo hadda galay toddobaadkii saddexaad ayaa lagu wadaa in la soo afmeero maamaha fooda nagu soo haya.
Toddobaadkii hore ayey ergada ka qeybgaeysa mabda’ ahaan isla qaateen dhismaha maamul loo sameeyo deegaanada Sool, Sanaag iyo Ceyn, waxaana go’aanka magaca maamulka maanta loogu dhawaaqay uu ku soo beegmay maalin ka dib markii dagaal ay qaadeen ciidamada Somaliland uu magaalada Buuhoodle ku dhexmaray iyaga iyo ciidamo deegaanka ah.
Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa shirka Khaatumo ku tilmaamay ‘fitno’ lagu burburinayo Somaliland.
Maamulka Puntland weli wax war ah oo rasmi ah kama soo bixin illaa hadda
