|

Wararkii Ugu Dambeeyey EE Dagaalka Gobolka Cayn iyo Maleeshiyadda SNM:

January 26, 2012 7:30PM (Buhodle TIME)

Buhodlepost: Wariyaha BuhodlePost,oo aanu qadar daqiiqada ah kahor khadka Telephone ku helay, waxuu sheegay in saddex Technika laga gubay cadowga xaqdaradda ku soo duulay ee SNM , labana laga furtay, maydad   tiradoodu 30 qof kor udhaaftayna ay kaga  carareen, goobihii ay fadhiyeen,wariyahayaga jiida hore ku sugnaa wuxuu sheegay inay jirto dhimasho iyo dhaawac kale duwan ee Cisbitaalada Buuhoodle la keenay,waxaana la hayaa tiro maxaabiis ah oo laga soo qabtay Ciidanka Siilaanyo,dagaalkan ayaa gabalku u kala dhacay wuxuuna wariyuhu sheegayaa in Ciidanka SNM aad loo fogeeyey oo ilaa hada lagu dabajiro.

Maxaabiista ayaa loo dhaadhiciyey saldhiga dhexe magaalada Buuhoodle.

 

 

 

 

 

Gaadhiigan ayaa isaga iyo dadkii saaraaba la qabtay!GUUL SSC!

 

Wabillaahi Towfiiq,

Wariye: Amina Isse – Jiida Hore(aminajiidahore@hotmail.com)

 

2 Responses for “Wararkii Ugu Dambeeyey EE Dagaalka Gobolka Cayn iyo Maleeshiyadda SNM:”

  1. amal says:

    Arintan ka dhacday maalada buuhoodle waa wax lag xumaado oo aad iyo aad murugo u leh. ilaahy ha naxariisto mujaahidiinta u geeriyooday si ay ku difaacaan wadankooda hooyo ee ay ku soo duuleen isaaq iyo dad diinta islaamka naga dhexeeyaan lakiin dhiigeena uu kala xaaraan yahay hase yeeshee anagu waanu huraynaa naftayada si aanu ku difaacdo dalkeena hooyo oo aanu uga dhicino cadawga. guul khaatumo state insha alaah.

  2. Onkod says:

    Buuqa, faanka iyo beenta iska dhaafa oo meydkaa militia-yad Khaatumo waxaad ka daawaatiin Horseed Media….hospitalki Galkacayo wuu buux dhaafay…baaqbaaqdaa iska dhaafa oo dadkiin aasaa.

Fikrad Ka Dhiibo