Tartankii ciyaraha Degmooyinka Gobolada Cayn , Sanaag iyo Sool (CSS) ee beryahan socdey ayaa waxaa dheeshii ugu danbeysey isugu soo baxay, maalintii Sabtida ee bisha December 10,2011, Degaamada Saaxdheer iyo Shangalle. Ciyaartaas oo aan habka farsamada loo sinnayn, dhinaca orodkuna aanu dheeli-tirnayn, waxaa daqiiqadihii horeba la liqsiiyey laba gool, oo is daba jooga, kooxda Shangalle. [...]
Koobka Caawa anagaa Qaadayna:Messi oo saadaaliyay inay 3-1 ku tumi doonaan Kooxda martida loo yahay ee Man-Uinted
Ciyaarta Xiisaha Badan ee Finalka Koobka Champion-Legue ee ka dhaceysa Maalinta Sabtida ah Magalada London ayaa Waxaa ka Kala Hadlay Ciyaartoyda iyo Macalimiinta Labada Naadi ee Finalka iskugu Yimid ee Barcelona Iyo Man Utd. Ciyaaryahanka Kooxda barcelona iyo Xulka Dalka Argentina Lione Messi oo BBC Wareysi Siiyay ayaa sheegay in uu Rumeysan Yahay in Kooxda [...]
Man-United oo qaaday koobkii 19-aad ee Pr. League
Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa ku guuleysatay koobkii 19-aad ee horyaalka dalka Ingiriiska,kadib markii ciyaarteedi u danbeysay ay 4-2 uga adgaatay kooxda heerka labaad aaday sanadkan ee Blackpool oo ay ku marti gelisay garoonka Old Trafford. Man. United koobkan ay iminka qaaday ayaa waxa uu u noqonayaa rigoor cusub oo ay ka jebisay [...]
Ronaldo uma qalmo 150-Malyan oo Dolar:Tababare Mancini oo diiday inay lacag qaali ah ku iibsadaan Ronaldo
Isagoo qoslaaya ayuu macalinka kooxda Manchester city mancini sheegay in ay dhalanteed tahay in kooxda City ay 150 milyan kusoo iibiso ciyaaryahan, waxa uu shaaciyay in kooxda haatan haysato xidigo tayo leh. Mancini oo u muuqday inuu ka jawaabaayo bandhiga ciyaaryahan Ronaldo ee kooxda real madrid suuqa ku keentay qarashkaasi ayaa wax lala yaabo ku [...]
Man-United oo koobkii 19-aad qaaday Jebisayna Rikoorkii Kooxda Liverpool
Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ayaa ku guuleesatay Horyaalka Ingiriiska markii 19-aad. Cayaartii 37-aad ee Kulamada Horyaalka Ingiriiska ayay United la Cayaartay shalay Galab kooxda Blackburn Rovers, waxa ayna ku dhamaatay 1-1. Rooney ayaa Rigoore ugu bareejeeyay kooxda Macallin Ferguson gool lagala hormaray qeybta hore ee Cayaarta. Dhibicdaas oo ay ka heshay garoonka Ewood [...]
Manchester United oo sii adkeysatay hanashada koobka Premier League-ga
Kooxda shayaadiinta cas-cas ee Manchester United ayaa sii xajisatay hanashada koobka horyaalka dalka Ingiriiska kadib markii ay 2-1 ugu awood sheegatay kooxda Chelsea. Ciyaartan oo si weyn loo wada sugayey ayaa meesha ka saartay rajadii kooxda Libaaxyada mad-madow ee Chelsea ay ka qabtay hanashada koobka horyaalka,iyadoo taasina muujineysa in kooxda Man. United ay ku guuleysan [...]
Xulka France oo Fadeexado Jinsi Faquuq ah hareysay (Warbixin xasaasi ah).
Xulka Qaranka Kubadda Cagta ee Wadanka France ayaa lugaha la galay Fadeexado Cusub oo ku wajahan Jinsi Faquuq iyo Cunsirinimo. Waxaa soo baxay warar sheegaaya in Xiriirka Kubadda Cagta ee France FFF (France foootball Federation) iyo Macalliminta Xulalka Qaranka heerarkooda kala Duwan ay go’aamiyeen in la yareeyo Tirada Cayaartoyda Madowga ah ee kasoo jeeda Africa [...]
Man-United Oo Kusii Dhawaatay Hanashada Horyaalka, Liverpool Oo Guul Gaadhay Iyo Torres Oo 14-kulan Kadib Gool Dhaliyay
Kooxda Manchester United ayaa talaabo muhiim u ah u qaaday hanashada horyaalka Ingariiska ka dib markii 1-0 ay ku garaaceen kooxda Everton ciyaar ka dhacday garoonka Old Trafford. Javier Hernandez ayaa goolka guusha madaxa ku ugu dhaliyay kooxdiisa xili dhamaadka ciyaarta ay ka hadhsanayd 6 daqiiqo qudhi. Ciyaaryahanka reer Mexico ayaa dhaliyay goolkiisii 12aad ee [...]
Real oo markii 18-aad qaaday Koobkii Kings-Cupka ee Spain iyo Riyadii Barcelona oo laga hor istaagay)
Real Madrid ayaa koobkii ugu horeeyay waxey ka heshay macalinkeeda cusub ee Jose Mourinho markii Cristiano Ronaldo uu gool caaqibo badan u dhaliyay waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray isla markaana ay 1-0 koobkii Kings Cup kaga qaateen Barcelona. Ciyaarta fiinalaha ah oo ka dhacday garoonka Valencia Mestalla stadium, ayaa weeraryahanka xulka Portuguese wuxuu [...]
Real iyo Barca oo isku ag-dhacay kadib markii ay Rogoorooyin ku kala baxeen
Cristiano Ronaldo ayaa gool rigoore ahaa oo uu xilli danbe dhaliyay ku tirtiray gool kale oo rigoore ahaa oo uu dhaliyay Lionel Messi, xilli ay 10-ciyaartoy ku ciyaareysay Real Madrid , waxeyna ciyaartii ku soo idlaatay 1-1 ay la galeen Barcelona. Ronaldo ayaa si xirfideysan kubaddii u daba mariyay goolhaye Victor Valdes daqiiqadii 82aad, wuxuuna [...]
maxaa kala haysta?Man city vs Man united
Kulankan ayaa ah mid aad uxiisa iyo xamaasad badan in badan oo ka mid ah taageerayaasha sportskana indhaha ku hayaan, waxaana iminka soo baxaaya wararka daandaansiga ah ee 2da dhinac isweedaarsanaayan, 2daan koox oo daris wadaag ku ah magaalada manchester ayaa ku kulmi doona maanta garoonka wemblay ee ku yaala maagalada london, macalinka kooxda manchester [...]
Gabar u dhimatay Guuldaradii Chelsea xalay ku dhacday darteed
Gabar u dhalatay Kenya oo 21 Jir ah oo la nooleed Qoyskeeda ayaa dhimatay kadib markii ay Naxdin ka qaaday Daqiiqado kadib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Chelsea Javier Hernandes, kulan ka tirsanaa Lugta Labaad ee Kulamada 8-da ee koobka Champion Liiga oo dhex Maray Man Utd iyo Chelsea. Gabadhaan waxaa lagu Magacaabaa Tabitha [...]
Man Utd iyo Barcelona oo Caga dhigtay Nus-dhamaadka Horyaalka Yurub
Kooxda Barcelona ayaa soo Caga dhigatay Semi Finalka Koobkaan Markeedii 4-aad oo isku xigta, markii ay 1-0 kaga taqalustay Xalay kooxda Shakhtar ee wadanka Ukraine. Goolka Guusha ee Blue Grena waxaa saxiixay Leo Messi, Xiddiga Aduunka, waana goolkiisii 9-aad ee Tartanka, waxa uuna Hogaanka u haayaa dhinaca gool dhainta, isagoo doonaaya inuu ku guuleesto abaal [...]
Arsenal iyo Nasri oo isku haya Mushaar kordhin
Wada hadalo Waqti dheer soo socday oo u dhaxeeyay Arsenal iyo Xiddigeeda qadka dhexe ee Samir Nasri oo ku aadanaa sidii qandaraas Cusub uu u saxiixi lahaa ayaanan wali la isku afgaran. Nasri ayaa dalbaday ugu yaraan in Mushaar ahaan loo siiyo Lacagta uu qaato Toddobaadkii Kabtanka Arsenal Cesc Fabregas taas oo ah 110 kun [...]
Manchester United oo ka badisay Chelsea
Kooxda Shayaadiinta Cas-Cas ee Manchester United ayaa markii ugu horeysay jabiyey iskoorkii Stamford Bridge u yaalay muddo 9-sano kooxda Libaaxyada mad-madow ee Chelsea. Wayne Rooney ayaa Manchester u saxiixay goolkii ay uga badiyeen kooxda Chelsea,iyadoo ciyaartanina ay ahayd lugtii koowaad ee wareegga 8-da kooxood ee Campions League-ga. Macalinka Chelsea Carlo Anceloti ayaa si weyn uga [...]
Didier Drogba oo ka fujiyay kooxdiisa Chelsea
Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Libaaxyada mad-madow ee Chelsea Didier Drogba ayaa ka fujiyey naxdin guul darro huwneyd oo ay la kulmi rabtay kooxdiisa Chelsea, kadib markii uu u dhaliyey goolkii ay ku bareejeeyeen Naadiga Stock City. Kooxda Stoc City oo ku hormartay goolka ayaa waxaa u dhaliyey Jon Walters daqiiqadii 8-aad,iyadoo goolkaasina uu tir [...]
Rooney oo ku galgashay West Ham
Wayne Rooney ayaa 3 gool oo u dhaliyay Manchester United waxey u sahashay iney 4-2 kaga badiyaan West Ham, halka Chelsea rajadeedii horyaalka ay dharbaaxday natiijo 1-1 ah oo ay la gashay Stoke. Chelsea wali waxey ku jirtaa booska 3aad waxey u baahatay Didier Drogba inuu gool bareejo ah u dhaliyo,. Rooney 3daan gool waxey [...]
Juve oo dhaqaale dartiis u iibineysa Buffon ama Chellini
Wararka Ka imaanaya Talyaaniga ayaa sheegaaya in kooxda Juventus ay dooneyso in ay iibiso qaar ka mid ah Cayaartoydeeda Muhimka ah si ay u hesho Cayaartoy Cusub, hadii ay usoo bixi weyso koobka Champion Liiga. Bianconeri waxa ay qorsheyneesaa in ay soo xera galiso Xilli Ciyaareedka soo socda Wajiyo Cusub, hase yeeshee waxa ay iibineysa [...]
Inter Oo Ka Ooysiisay Bayern-Munich Kana Tuurtay Tareenka Daqiiqadihii Ugu Dqmbeeyay
Goran Pandev ayaa gool uu xilli danbe u dhaliyay kooxda koobka Champions League difaacaneysa ee Inter Milan wuxuu ticket ugu jaray heerka quarterfinal-ka markii ay 3-2 ku karbaashtay Bayern Munich. Goolka Pandev oo dhashay daqiiqadii 88aad wuxuu ciyaarta ka dhigay 3-3 isku celcelis ahaan laakiin xagga gool tirsiga ayeey Inter ku soo baxday, maadaama markii [...]
Mancheter united oo cashar u dhigtay kooxda Arsenal
Kooxda Manchester United ayaa FA CUP-ka ka reebtay Arsenal, kadib markii ay kaga adkaatay 2-0, ciyaar xiiso badneyd oo ku dhex martay garoonka Old Trafford. Ciyaarta oo ku bilaabatay dar-dar xoog leh iyo isu awood sheegato ayey Manchester heshay gool qaybtii hore,kaasoo uu dhaliyey F.d. Silva daqiiqadii 28-aad. Hase ahaatee goolkaasi wuxuu keenay in uu [...]